Arsenal ayaa iska diiday dalab £50M oo dhanka Man City kaga yimid waxayna Gunners diidan inay lacagahaan aqbasho inkastoo Sanchez qandaraaskiisa sii dhamaanayo.
Laakiin madaxda Man City qof ka tirsan ayaa Goal u sheegay inay kalsooni ku qabaan soo qaadashada Sanchez ka hor inta uusan suuqa Yurub xirmin.
Warbixintaan waxaa lagu dhex lifaaqay in Arsenal ay dalbatay heshiiskaan qayb ka noqdo Sergio Aguero ama Raheem Sterling balse naadiga Man City wey ku gacan seertay waxayna City rabtaa lacago oo kaliya inay dhigeeda Arsenal siiso.



