Maamulka magaalada Houston ee dalka Maraykanka ayaa soo rogay bandow habeenkii ah iyada oo ay magaaladu la daalaa dhacayso waxyeeladii duufaanka Harvey.
Roobkaan duufaanka watey ee afartii maalmood ee la soo dhaafay ku da’ayey gobolkaas oo ah kii ugu waynaa inta la xasuusanyahay taariikhda, ayaa meelo badan oo magaalada ka mid ah qarqiyey waxaana lagu soo waramayaa in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen.
Duqa magaalada Houston, Sylvester Turner, ayaa sheegay in bandowgu lagama maarmaan noqotay si looga hortago in la fadhataysto magaalada oo ah ta afraad ee ugu wayn dalka Maraykanka.
Madaxweyne Trump ayaa gobolka Texas booqday Salaasadii si uu u soo indha indheeyo khasaaraha duufaanka Harvey gaadhsiiyey waxaanu ku tilmaamay inuu ahaa mid “ba’an”.
Bandowkaan lagu soo rogay magaaladu waxay bilaabmaysaa saqda dhexe waxaanay ku egtahay shanta aroornimo xiliga gobolka Texas. Waxa se loo ogolyahay in ay socdaan shaqaalaha gargaarka iyo dadka shaqo tagaya ama ka rawaxaya.
Turner wuxu sheegay in bandoodani gacan ka siin doonto ka hortagga “xatooyada hantida” taalada guryaha dadkii laga daad gureeyey, ujeedada keliya ee laga leeyahayna tahay uun in lagaga hor tago “falal danbiyeedyada dhici kara”.



