Hay’adda HRW oo Booliska Kenya ku eedeysay tacadi bani’aadanimo

Hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday xukuumada dalka Kenya in ay baaritaan deg deg ah ku sameyso rabshadihii dalkaani ka dhacay bartamihii bishaan oo ay dad shacabka ah waxyeelo ka soo gaartay.

Otsieno Namwaya oo ah cilmi baaraha Qaarada Afrika u qaabilsan Human Rights Watch ayaa waxa uu Xukuumada ka dalbaday in ay hubiso Saraakiisha qaaska ah ee ku lug lahaa xad gudubkii lagula kacay dad ka Rayidka ah kuwaasi oo ka careysnaa Natiijadii Gudiga Doorashada ay soo saareen oo uu ku guuleystay Madaxweynaha la doortay Uhuru Kenyatta.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay goob joog u ahaayeen xad gudub dadka Rayidka ah lagula kacay kuwaasi oo mudaaharaadyo ka dhigayay Magaalooyinka ay Mucaaradka ku xoogan yihiin oo lagu dilay 12 Ruux halka 100 kalena ay ku dhaawacmeen.

Magaalooyinka ay laamaha Booliska Kenya xad gudubka ugu geysteen dadka Rayidka ah ayaa waxaa ka mid ah Kisumu Siaya, Homa Bay iyo qeybo ka mid ah Magaalada Caasimada ah ee Nairobi.

Mr Namwaya ayaa sidoo kale sheegay in gobolka galbeedka dalka oo ah goob ay ku xoogan yihiin taagerayaasha Mucaaradka Kenya ee NASA ay shacabka Ku nool cadaadis kala Kulmeen laamaha Booliska taasi oo wiiqday Doorashadii Qaran ee dalkaasi Ka dhacday.

Hey’adda ayaa tusaale u soo qaadatay gabar Sagaal Jir ah oo lagu magacaabi jiray Moraa Nyarangi oo Booliska Ku toogteen Degmada Mathare ee Magaalada Nairobi halka cunug Todobo bilood jira ay dhaawacyo ka soo gaareen Rasaas Booliska ay adeegsadeen xilli uu ku sugnaa gurigooda oo ku yaal Magaalada Kisumu.

Dhanka Kale HRW ayaa tilmaamtay in ay bulshada xaq u leeyihiin in dibad baxooda ay qaab Nabedgelyo ah u sameyn karaan ayna Mas’uuliyiinta dalka Kenya waajib ku tahay joojinta xad gudubyada ay Booliska u geysanayaan dadka Rayidka ah.

Warbixintan oo dheereyd ayaa sidoo kale Hay’adda waxa ay sheegtay in ay Jirto xad gudub ay Booliska Ka geysteen Galbeedka dalka Kenya oo laga helay Meydad ka dhowr qof iyo Sadex dhacdo oo Kufsi ah todobaadyadii La soo dhaafay.

Ugu danbeyntii Hay’adda u dooda Xuquuqda aadanaha ayaa ku tilmaamtay banaanbaxyada ay Booliska kaga hortagayaan in ay dhigaan shacabka iyo Howlgalada guri Ka guriga ah mid aan Waafaqsaneyn sharciga.

C/qani Maxamed, Radio Risaala, dalka Kenya.