Madaxweynihii maamulka Hirshabeelle ee ay xilka ka qaadeen Xildhibaanada ayaa wali Magaalada Baledweyne waxaa uu ka waddaa kulamo kala duwan oo uu la qaadanaayo qeybaha kala duwan ee Bulshadda kunool Magaalada Baledweyne.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in Cali Cabdullaahi Cosoble uu xalay la kulmay qaar kamid ah waxgaradka maamulka gobolka Hiiraan,islamarkaana uu ku qanciyay in Magaalada Baledweyne ay Saldhig u noqoto maamulkiisa.
Shalay ayuu gaaray Baledweyne, waxaana uu sheegay in dowladda Dhexe ay dhibaato weyn ku heyso maamulka Hirshabeelle.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayuu ku eedeeyay inay soo fara geliyen Maamulka Hirshabeelle.
Cosoble, ayaa sheegay haddii ay ku shaqayn waayeen Magaalada Jowhar, inay ku shaqaynayaan Magaalada Baledweyne, islamarkaana ay sii wadi doonaan shaqada Hirshabeelle.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, ayaa bartamihii bishan kalsoonida kala noqday Madaxweyne Cosoble, kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Jowhar.



