Muqdisho-RisaalaFM- Shariif Sheekh Axmed oo ah Musharax u taagan qabashada Hoggaanka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka ee waqtigeeda uu dhamaaday in aysan bixin Mushaaraadka Ciidanka Xoogga Dalka.
Waxa uu sheegay Shariifka muddo 8 bilood ah Ciidamada kala duwan ee Qalabka Sida Soomaaliya aanay qaadan wax Mushaar ah.
Shariif Sheekh Axmed Waxa uu sheegay Ciidamada oo ahmiyada koowaad siiya amniga in ay muhiim tahay in la siiyo Mushaaraadkooda ay xaqa u lahaayeen, maadaaama duruufo kala duwan ay ku shaqeeyaan.
Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa xildhibaanada Dowladda Federaalka ugu baaqay hoggaan cusub oo Dalka isbedel ku keeni kara, maadaama la wada xusuusto Afartii sano ee la soo dhaafay wixii dalka ka dhacay.
Ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ka socota Magaalada Muqdisho, iyadoo Musharaxiin kala duwan ay u hanqal taagayaan in ay qabtaan kursiga Madaxtinimada Soomaaliya.