Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Golaha shacabka ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland, waxaana la doortay 3 xubnood.
Saddexda xubnood ee maanta la doortay ayaa waxa ay kala yihiin Sakariye Xuseen Aare, C/raxmaan Maxamuud Caateeye iyo Guuleed Ceyduruus Cige oo Doorashadiisa ay ka dhalatay dood iyo isku dhac u dhaxeeyay Ergada Doorashada.
C/laahi Salaad Yarow oo ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalka ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashada.
4 xildhibaan oo Golaha shacabka ah oo ka imaanaya Degaanada Soomaaliland ayaa Doorashadooda ay dhiman tahay, inkastoo weli ay harsan tahay Doorashada 5 xildhibaan oo horey ay u diideen Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
266 xildhibaan oo Golaha shacabka ah ayaa ilaa iyo hada la soo doortay, waxaana weli harsan xubno yar oo ka mid noqonaya Golaha shacabka.
Maalinta berri ah ayaa lagu wada in Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyo Doorashada xubnaha xildhibaanada Golaha shacabka ee ka imaanaya Degaanada Soomaaliland.


