Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo maanta si wadajir ah shir jaraa’id u qabatay ayaa waxa ay ka wada haldeen arimo badan oo la xiriira labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Arimaha Dhaqaalaha, Arimaha Amniga iyo Waxyaabo kale.
Madaxda ayaa isku afgartay in la qaado xayiraadii KMG aheyd ee la saaray Qaadka laga keeno Kenya, sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in muddo saddex bilood ay dowladda Kenya ku joojiso rakaabka diyaaradaha lagu baaro Garoonka Wajeer oo ay dhib badan kula kulmaan dadka u safraya Kenya, ka hor inta aanay ka degin garoonka diyaaradaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda ay kala hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen Ganacsiga labada dal.
Dhanka Kale Madaxweynaha Dalka kenya Uhuru Kenyatta oo isna dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan Dalkooda, sidoo kalena ay ka qeyb qaataan Hormarka Dalka.
Tallaabada dowladda Soomaaliya ku qaaday xayiraadii saarneyd Qaadka Kenya laga keeni jiray ayaa dhaqan geli doonta maalinta berri oo Arbaco ah.


