Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir Xaafadda Busleey ayaa waxa ay sheegaan in iska hor imaad khasaare geystay uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Dowladda.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayuu sababay Dagaalka Ciidamada ka wada tirsan Dowladda ku dhexmaray Degmada Boondheere gaar ahaan ka soo horjeedka Wasaaradda Amniga.
Inta la xaqqijyay 3 Qof ayaa ku dhimatay halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkan sida Risaala ay u xaqiijiyeen Dad Goobjoogayaal ah.
Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan, isagoo dhaawac uu ka soo gaaray Lugtiisa Midig.


