Shir looga hadlaayo Dhismaha dowladaha Hoose ayaa Saacaddaha soo socda waxaa lagu waddaa in uu ka furmo Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Arrimaha Gudaha u qaabilsan maamul goboleedyadda.
Waxaa looga hadlaaya Shirkaan dhismaha dowladaha Hoose, waxaana diirada lagu saaraya sidii loo hormarin lahaa dowladaha hoose.
Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Caruush ayaa Risaala u sheegay in shirkaan uu furmaayo Saacaddaha soo socda.
Shirkaan ayaa horay waxaa loogu qabtay Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya.


