DHAGEYSO: Shir lagu mideynayo Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmayo

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay qabanayaan shir weyne loogu hadlayo mideynta ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi ay ka soo qeyb galayaan dhamaan wasaaradaha amniga ee maamul goboleedyada dalka iyo wasaarada amniga ee dowlada Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa loogu hadlayaa sida uu sheegay Taliyaha sidii loo mideyn lahaa Ciidanka booliiska Soomaaliya, meel kasta oo ay joogaan.

Waxa uu tilmaamay in ay rajo wanaagsan ka qabaan sidii lo tayayn lahaa ciidanka booliiska Soomaaliya ee ku kala sugan gobolada dalka.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa ku howlan tayaynta ciidanka booliiska Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa.