Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya 2016-ka.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin, Saraakiil Ciidan, Aqoonyahano, Haweenka, dhalinyarada, Odayaasha Dhaqanka iyo xubno kale.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta cadeeyay in uu markale doonayo in uu qabto Xilka Hogaanka Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay hadii markale la doorto in Dowladdiisa ay si wanaagsan uga shaqeyn doonto Dhaqaalaha Dalka sidii looga faa’ideysan lahaa.
Qaar ka mid ah Dadkii Munaasabadaasi khudabadaha ka soo jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadkii Madaxweyne Shariif mudadii 3-dii sano ee uu hoggaaminayay dowladdii KMG iyo marxaladii uu dalka soo maray iyo sida dalka uga saaray xaaladii adkeyd.




