AKHRISO: Jadwalka Doorashada Soomaaliya 2016-ka

Muqdisho-RisaalaFM- Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay ka dhacaan Dalka.

Guoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Doorashada Soomaaliya muddo Bil ah in ay u dib u dhacday.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka in la dooran doono dhamaadka Bisha November, gar ahaan Madaxweynaha waxaa la dooran doonaa 30-ka November.

Halkaan Hoose ka Akhriso Jadwalka Doorashada

1. In si dhaqso ah ciidamo ka socdo AMISOM loo geeyo goobaha codbixinta ee Dowlad Goboleedka Galmudug si loo xaqiijiyo amniga doorashada 2016-ka.

2. In Madaxda Dowlad Goboleedyada ay soo gudbiyaan Musharaxiinta Xubnaha Aqalka Sare ugu danbeyn 5-ta bisha October 2016.

3. In xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay howl-galaan 8-da bisha October 2016.

4. In liiska magacyada Ergada Doorashooyinka Golaha Shacabka la soo dhameystiro ugu danbeyn 10 bisha October 2016.

5. In doorashada Golaha Shacabka la qabto inta udhexeysa October 23-10 November ee sanadka 2016.

6. In doorashada Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka cusub la qabto 23 bisha November 2016.

7. In doorashada madaxweynaha ay dhacdo 30 bisha November 2016.