DHAGEYSO: Shariif Xasan muxuu ka yiri Dagaalada K/Galbeed

Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu ka hadlay Dagaalada ka socda Deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan Dagaalka Degmada Tiyeeglow.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in loo baahan yahay Shabaab in hal meel looga soo wada jeesto, si looga guuleysto, loogana saaro Deegaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed.

Dhanka kale Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Dhalinyarada ku jirta Shabaab ugu baaqay in ay ka soo baxaan, si Dowladda Soomaaliya ay cafis guud ugu fidiso.

Hadalkan ayuu ka sheegay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan xilli uu ka qeyb galayay xaflad xalay ka dhacday Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed, taas oo loogu dabaal degayay sanad guuradii labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed.