Muqdisho-RisaalaFM- Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa markale waxa ay ka hadashay abaaraha ka jira Gobolada qaar ee dalka iyo Roob la’aanta.
Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Salaad oo maanta mari ku ahaa Barnaamij si toos ah uga baxayay TV-ga Qaranka ayaa wuxuu sheegay in markale ay ku celinayaan baaqii ay soo saareen Wasaarada Awqaafta iyo Hay’adda Culimada ee ku aadanaa in Salaad Roob doon ah la tukado.
Wuxuu sheegay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada qaar ee Dalka in hada ay ka Da’een Roobab, balse weli Roobka uusan ka Di’in goobaha ay sida daran abaarta uga jirto.
Sheekh Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in Alle la baryo, si abaarta jirta Alle uu inooga qaado.


