DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Xubnaha lagu kordhiyay Aqalka Sare

Muqdisho-RisaalaFM- Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay aragti ka dhiibteen tirada xubnaha Aqalka Sare lagu kordhiyay.

shacabka Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa waxa ay sheegeen xubnaha Aqalka Sare ee Madasha Wadatashiga Qaran ay ku kordhiyeen in arrin wanaagsan ay tahay, waqigii loogu tala galayna lagu soo magacaabi doono.

Sidoo kale shacabka qaar ayaa waxa ay sheegeen Madasha Wadatashiga dano gaar ah in ay ka leeyihiin 18-ka xubnood ee lagu soo kordhiyay Aqalka Sare, min Saddex xubnoodna loo siiyay Maamul Goboleedyada.

Madasha Wadatashiga Qaran oo maalmahan uu shir uga socday Magaalada Muqdisho ayaa go’aanadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in 18 xubnood lagu daro Aqalka Sare oo horey u ahaa 54 xubnood, waxaana uu hada noqday 72 xubnood.