Ronaldo wa safiirka save the children wuxuuna aad uga damqadaa xaaladaha bahalnimada ah ee ka dhaca wadamada ay caruurtu ku dhibaataysan yihiin.
Laakiin xidiga sare ee real Madrid ronaldo aya dhiirra galiyay dhalinyarada dhan ee wadanka inay had iyo jeer is aaminsanaadaan ayasanna rajo dhigin.
Asagoo kusoo hadlayay boggiisa instagram ronaldo aya yiri “kuwani waa carrurta Syria”
“waan ognahay inaad ka cabanaysaan wax badan, anigu waxaan ahay cayaaryahan aad caan u ah laakiin adinku waxaa tihiin geesiyaasha dhabta ah.
“haluminina rajadiina, aduunku adinkuu idinla jiraa,anagu adinkan idinla jirnaa, aniguna adinkaan idinla jiraa.”


