DHAGEYSO: Shacabka Muqdisho oo ka hadlay Doorashooyinka Aqalka Hoose

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalooyinka qaar ee Maamul Goboleedyada Dalka waxaa lagu soo gaba gabeeyay Doorashooyinka Aqalka Hoose, oo mudo ka badan bil ka socday Magaalooyinkaasi.

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho qaarkood oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay ka haldeen sida ay u arkaan Doorashooyinka Aqalka Hoose oo qaarkood la soo gaba gabeeyay.

Dadka reer Muqdisho ayaa xildhibaanada la soo doortay waxa ay ugu baaqeen in ay soo doortaan Madax wax ka bedeli karta xaalada hada uu ku sugan yahay Dalka.

Xildhibaadan cusub ayaa la filayaa in Bishan gudaheeda la dhaariyo, sidoo kalena ay soo doortaan Gudoonka Baarlamaanka iyo Labadiisa ku xigeen iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Cadaado ayaa lagu soo gaba gabeeyay Doorashooyinka Aqalka Hoose, iyadoo sidoo kale ay gaba gabo marayaan Doorashooyinka xildhibaanada ka imaanaya Degaanada Somaliland iyo Puntland.