Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa dib uga bilaabatay Doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi, waxaana la doortay ilaa 4 Mudane.
Kursiga Koowaad waxaa ku soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowladda Federaalka Sahro C/qaadir C/raxmaan, waxaana ay heshay codad gaaraya 48 cod.
Kursiga Labaad waxaa ku soo baxay Jamaal Xasan Ismaaciil oo horey uga mid ahaa Baarlamanka waqtigiisa uu dhamaaday, waxaana uu helay codad gaaraya 40 cod.
Sidoo kale Kursiga Saddexaad waxaa ku soo baxday Faadumo Xasan Cali oo heshay codad gaaraya 49 cod, iyadoo kursigii Afaraad uu ku soo baxay C/laahi Ismaaciil Ducaale oo helay 45 cod.
Musharaxiinta maanta ku guuleysatay in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay ka hadleen dareenkooda.
Farduus Maxamed Ducaale oo xubin ka ah Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa sheegtay in meel wanaagsan ay marayaan Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda Magaalada Muqdisho.


