Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u sameeyay isku aadka wareega 16-ka ee koobka Horyaalada Yurub.
Kulamo adag ayaa ka soo baxay isku aadka, waxaana isku aaday Bayern Munich iyo Arsenal, PSG iyo Barcelona, Arsenal ayaana sanadkii 2-aad oo xiriir ah ku aadaysa koox wayn.
Real Madrid ayaa la ciyaari doonta Napoli, halka Man City ay isku dheceen kooxda reer France ee Monaco, Juventus ayaa ku aaday FC Porto.



