Baay-RisaalaFM- Shacabka ku nool Deegaanada Iyo Degmooyinka ka tirsan gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Baay Iyo Bakool ayaa Xiligani waxa ay lakulmaan dhibaatooyin kala duwan oo ah Caafimaadka, Waxbarasho iyo biyo yari.
Deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo ah Deegaan Hoostaga Magaalada Beydhabo Qiyaas ahaana ay Isku Jiraan 30KM ayaa shacabkii ku noolaa waxa ay dalbadeen in la gaarsiiyo gar gaar deg deg ah dhinac kasta ah.
Xuseen Wardheere oo ah Gudoomiyaha Deegaanka Goof-guduud Shabeelow ayaa Idaacadda Risaala usheegay In xaalada Deegaanka ay tahay mid adag, Biyo Yarida Ka jirtana Ay Keeni karto in ay udhintaan dadka iyo duunyada ku nool Deegaankaasi isagoona Sheegey in ay adagtahay in ay Biyo Ka keensadaan deeganada Ku dhow.
Dhanka Kale Waxaa Burbur Ku Yimid Xarumiyii Cafimaadka Iyo Tan Waxbarashada Ee Ku yaleen Degaankaasi Kadib Markii Lawaayey Wasaarado Kasocdaan Dowlada Koonfur Galbeed Somaliya in ay Waxkaqabtaan Xaladahaasi Marka Laga Reewo Hay”ado NGO Ah Sida Uu Warbaahinada usheegey Gudoomiyaha Degaankaasi Goofgaduud Shabeelow Ee Gobolka Baay Xuseen Wardheere.
Maamulka Deegaankaasi ayaa ugu Dambeyntii waxaa uu Dowladda Dhexe, Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya iyo Hay’adaha Ka shaqeeya Arimaha Bini’aadanimada ka Codsaday in ay wax ka qabtaan xaaladaasi.