Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo la wareegay Beled-xaawo

Beled-xaawo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ay la wareegeen magaalada Beled-xaawo.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Risaala usheegay in ciidamo hubeysan ay maanta la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi, sidoo kalena ay Hub ka dhigis ku sameeyeen Maleeshiyo hubeysan oo halkaasi ku sugnaa.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada la wareegay magaalada Beledw-xaawo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur Janan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay jiraan wararkaas balse kaliya ay yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga deegaanada iyo degmooyinka uu ka taliyo maamulka Jubbaland, sidoo kalena gacanta loogu soo dhigi lahaa Maleeshiyada shacabka dhibaatada ku heysa.

Magaalada Beled-xaawo ayaa caawa waxa ay tahay mid degan oo wadooyinka ugu waaweyn ee degmadaasi lagu arkayo ciidamada maamulka Jubbaland.