Kismaayo-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay sarkaal Shabaab ka tirsanaa mudo fog, kaasi oo isku soo dhiibay Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo ku sugan Degaanka Dhamaso oo ku yaalla Degamada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.
Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur oo wareysi siiyay VOA ayaa sheegay in maanta uu maamulkooda isu soo dhiibay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Wasiirka in sarkaalka maanta isa soo dhiibay lagu magacaabo C/kariim Sheekh Xasan, islamarkaana uu dhinaca caafimaadka Gobolka Gedo u qaabilsanaa Al-Shabaab.
Sidoo kale Waxa uu sheegay Wasiir C/rashiid in sarkaalkan uu ahaa keligiisa, uuna watay Sahnadiisii Millitari, wuxuuna tilmaamay in uu ka faa’ideysanayay cafiska uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.


