Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee Magaaladaasi.
Diyaarad siday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda ayaa ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado, si weyn ayaa halkaasi loogu soo dhaweeyay.
Ujeedka wafdigan ay u tageen Magaalada Cadaado ayaa ah sidii ay uga qeyb gali lahaayeen Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, taasi oo dhaceysa maalinta berri ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 03-da May.
Magaalada Cadaado waxaa ka socota qaban qaabada ku aadan Doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxaana ammaanka aad u adkeynaya Ciidamada qeybahooda kala duwan.
Doorashadan ayaa Labo jeer oo hore waxaa ku yimid dib u dhac, maadaama ay jireen arrimo farsamo oo yar yar, balse Guddiga Doorashada waxay sheegeen berri in ay dhaceyso Doorashada.
Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna oo la doonayay in lagu mideeyo Maamulka Galmudug ayaa sheegay inaanu quseyn Doorashada Madaxweynaha ee ka dhaceysa Cadaado, waxaana jiri doona Doorashada kadib wada hadal u bilaaban doona Galmudug iyo Ahlusuna sida ay sheegtay Dowladda Federaalka.


