Baydhabo-RisaalaFM- Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay Dowladaha Burundi iyo Ingiriiska.
Saraakiishan ayaa horey waxa ay uga qeyb qaateen tababarida Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan iyo kuwo Koonfur Galbeed ah.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa dadka ka soo barakacay Abaaraha ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii looga hadlay Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfdur Galbeed ayaa Idaacadda Risaala ku amaanay qaabka ay u tabiso wararka xaqiiqada ku saleysan, gaar ahaan wararka ay ka baahiso degaanada Koonfur Galbeed.
Wariyaha Risaala ee degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera) ayaa warkan inooga soo diray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.



