DHAGEYSO: Faah faahin weerarka Shabaab ay ku qaadeen Kenya

Kenya-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad xoogan oo u dhaxeyay ciidamada adeega gaarka ah ee loo yaqaano GSU-da iyo dagaalyahano gacan saar la leh Shabaab ayaa xalay waxa uu uu ka dhacay agagaarka xero laamaha amniga ay ku lahaayeen Waaxda Makowe oo ka Tirsan ismaamulka Lamu.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa waxa ay sheegeen in kooxdaasi ay isku dayday in ay ku soo dhawaato xerada abaare todobadii Habeenimo ee xalay balse ay ciidamada ka hortageen weerar kaasi.

Mid ka mid ah laamaha Amniga oo ku sugan Waaxda Makowe oo codsaday in aan magaciisa lagu xusin Warbaahinta ayaa sheegay in iska hor imaadka uu socday in ka badan labaatan, kadibna ay dib u jabeen kooxdii weerarka soo qaaday.

Sarkaal kale oo dhacdadaan ka hadlay ayaa sheegay in ay Heegan sare ku jireen ka hor inta uusan bilaaban weerarkaasi, maadama uu sheegay in dhacdadaasi uu ku soo wargaliyay Sarkaalka ugu sareeya xerada Ciidamada oo u sheegay in ay galaan Heegan.

Maxamed Cumar oo ka mid ah dadka ku nool Waaxda Makowe laguna magacaabo ayaa sheegay in xalay dhan ay maqlayeen dhawaqa Rasaasta oo ka dhaceysa Degaankaasi.

Warbixinta warkan waxaa magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya inooga soo diray Wariyaha Risaala ee dalka Kenya C/qani Maxamed Xasan.