DHAGEYSO: Saraakiil boolis ah oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho uu tababar ugu soo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka boliiska Soomaaliya.

Saraakiisha maanta tababarka loo soo xiray ayaa waxa ay tiradooda gaareysaa 16 sarkaal, waxaana uu taliyaha uu kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan cadaalada oo ay sidoo kale ciidamada ay utaliyaana ku hogaamiyaan wadada saxda ah.

General Xaamud ayaa sheegay in amarkan uu ka soo baxay madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud arkaas oo ku aadan in la tayeeyo ciidanka boliiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadaa dadaalo ay ku qalabeyneyso ciidanka dowladda, iyagoo maalmihii udambeeyay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka waday qaar ka mid ah gobolada dalka.