DHAGEYSO: R/wasaare ku xigeenka oo soo xiray shirka hormarinta hanaanka cadaalada

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta soo xiray shirkii looga hadlayay hormarinta hanaanka cadaalada Soomaaliya.

Waxaana shirkan uu magaalada Muqdisho ka socday muddo 4 maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Fedraalka, Maxkamadda Sare ee Dalka, Garsoorayaal, Xeer-Ilaalilayal, iyo sidoo kale Wasaaradaha Cadaaladda ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, iyo  Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee heer Dowlad-Goboleed,

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay qodobadii lagu heshiiyayna saxaafada u aqriyayay Abuukaate Xasan Yuusuf.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo shirka soo xiray ayaa sheegay in muhiim uu yahay heshiiskaan maanta la gaaray, waxaana maamul goboleedyatada uu ka codsaday in ay dhaqan galiyaan heshiiskan.