DHAGEYSO: Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirada ay maanta yeesheen ?

Shirka golaha wasiirada ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho oo uu shir gudoominayay Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee dalka.

Shirka golaha wasiirada ayaa waxaa sidoo kale warbixino looga dhaqgeystay wasiirada wasaaradaha xukuumada oo ay soo gudbiyeen.

Afhayeenka xukuumada Soomaaliya C/salaam Axmed Caato oo warbaahinta la hadlay kulanka ka dib ayaa ka warbixiyay qodobadii looga hadlay shirka golaha wasiirada.

Dhanka kalena wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa golaha wasiirada ka hor sheegay in wasaaradda waxbarashada ay udiyaar garowday sanadkii Labaad qaadista imtixaanka mideysan ee Ardayda Dugsiyada Sare.