DHAGEYSO: Ra’iisul wasaaraha”Ciidan AMISOM ah looma diri doono Puntland”

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Cumar C.rashiid oo maanta ka soo laabtay safar shaqo uu ku tagay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in howlgalka ka socda deegaanada hoosyimaada gobolada Mudug iyo Nugaal ay ku filanyihiin ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed.

Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa intaa raaciyay in Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM aan loo diri doonin deegaanada puntland halkaas oo howlgal ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadaan ciidamada maamulka puntland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay taageero milatari u dirtay maamulka Puntland walina ay dowladda Fadaraalku la garab taagantahay wax kasta oo lagama maarmaan u ah dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha soomaaliya ayaa sheegay in natiijo wanaagsan uu ku soo dhamaaday safar shaqo oo uu ku tagay dalka talyaaniga, heshiisyo wax ku ool ahna uu la soo galay dowladda Talyaaniga.