Wararka inaga soo Isbitaalka Banaadir ee magaalada muqdisho ayaa sheegaya in dab uu ka kacay qeyb kamid ah Isbitaalka, gaar ahaana qeybta daawada ee Isbitaalka Banaadir.
Lama sheegin sababta keentay in dabka uu kaco, balse waxaa gubanaya labo qol oo kamid ah qeybta daawada ee Isbitaalka.
Waxaa dabku si gaar ah uu uga ka kacay qeybta daawada ee Isbitaalka, balse waxaa la arkayaa gaadiidka dab damiska oo ku howlan in dabku aanu ku faafin qeybaha kale ee Isbitaalka.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha dhabta ah uu geystay dabkan.


