Garasbaaley-RisaalaFM- Maamulka degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka warbixiyeen dil habeen kahor kooxo hubeysan ay degaankaasi ugu geysteen Haweeney Da’ aheyd.
Haweeneyda la dilay oo Da’ ahaan jirtay 65 sano ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, waxaana ay horey uga tirsanaan jirtay Ciidanka xoogga dalka, inkastoo sanado kahor ay ka baxday.
Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho C/raxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen raggii dilay Haweeneyda oo ahaa laba nin.
Wuxuu sheegay Guddooomiyaha degaanka Garasbaaley in aysan marnaba ugu dulqaadan doonin in falal amniga ka baxsan ay ka dhacaan degaanka, wuxuuna balan qaaday in ay sharciga horgeyn doonaan raggan ay gacanta ku hayaan.


