Shabaab oo weeraray Lamu

Kenya-RisaalaFM- Xoogag ka tirsan Al-Shabaabka ka howlgala gudaha wadanka Kenya ayaa weerar saf balaaran ah waxa ay ku qaadeen gelinkii dambe ee Talaadadii kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya.

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa wadada u galay kolonyadan xilli ay socdaalayeen wadada xiriirisa degaannada Wittu iyo Gamba oo ka wada tirsan Gobolka Xeebta ku teedsan ee Lamu.

War ka soo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu gubay Saddex Gaari oo ay wateen Ciidamada Booliska Kenya islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Gobolka Xeebta Larry Kieng ayaa Wakaaladda Xinhua u sheegay Ciidamada Booliska in ay wadeen kolonyo Bas ah markii la weerarayay, wuxuuna tilmaamay Shabaabka weerarka geystay in ay ka soo baxeen kaynta, aysana jirin Gawaari ay gubeen Shabaabka.

Wuxuu sheegay weerarkan in lagu dilay laba Askari oo ka tirsan Kenya, laba kalena lagu dhaawacay, isaga oo tilmaamay Askarta dhaawacantay in ay xaalad halis ah ku jiraan, lana dhigay isbitaalka Lamu.

“Waxaan xaqiijinayaa in aysan wax khasaare ah gaarin shacabkii saarnaa Baska, dhammaan way bad qabaan, waxaan sameyn doonaa Ciidamo Boolis isku dhaf ah, kuwaasi oo dardar gelinaya dagaalka Shabaab.” Ayuu yiri Kieng.

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa Saddex maalmood ka hor waxa ay burburiyeen Lix xero oo Shabaab ay ku lahaayeen Keynta Boni, intii lagu guda jiray Howlgal gaar ah.

Weerarkan ayaa yimid iyada oo ammaanka dalka Kenya shalay aad loo adkeeyay, maadaama magaalada Nairobi lagu qabtay Munaasabad lagu caleema saarayay Madaxweynaha marka labaad la doortay ee Uhuru Kenyatta, waxaana caleema saarkiisa ka qeyb galay Madaxweynayaal ka kala socday wadamada Afrika oo uu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo).