Muqdisho-RisaalaFM- Mareykanka ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Duqeyn Diyaaradaha Ciidamada Mareykanka ay la beegsadeen Daacish-ta Soomaaliya ee ku dhuumaaleysanaya degaanada Puntland, taasi oo dhacday gelinkii dambe Isniintii.
Duqeyntan oo si gaar ah uga dhacday Tuulo lagu magacaabo Boholo oo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa Mareykanka wuxuu sheegay inuu ku dilay Horjooge sare oo ka tirsan Daacish iyo 15 ka mid ah ilaaladiisa.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee Ciidamada Mareykanka ka caawiya Duqeymaha lagu bartimaameysado goobaha Al-shabaab iyo Daacish ay kaga Sugan yihiin Soomaaliya ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyay in Duqeyntii shalay laga fuliyay Tuulada Bohole lagu dilay horjooge Sare oo ka tirsan Daacish-ta Soomaaliya iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa.
Saraakiisha waxa ay sidoo kale sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gudbinayaan magaca Horjoogaha Sare ee ka tirsanaa Daacish-ta Soomaaliya, laguna dilay duqeynta.
Waxay kaloo sheegeen saraakiisha Ciidanka xoogga dalka in Duqeynta lagu gubay 10 ilaa 8 Gaari kuwa Dagaalka ah oo ay lahaayeen Kooxda Daacish, sidoo kalena lagu burburiyay saldhigyo Kooxda ay lahaayeen.
Dowladda Mareykanka ayaa bilihii la soo dhaafay si weyn u xoojisay howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya, waxaana xusid mudan in bishan ay fulisay in ka badan 5 Weerar Saddex ka mid ah ay dhaceen 24 saac gudahooda.


