DHAGEYSO: Puntland”way adag tahay in laga hortago kalluumeysiga sharci darada ah”

Wasiiru dowlaha wasaarada Kalluumeysiga maamulka Puntland C/raxmaan Jaamac Kulmiye oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka haldlay kalluumeysiga sharci darada ah ee ka jira xeebaha Puntland.

Waxa uu sheegay  Wasiiru dowlaha in aan laga hortagi karin kalluumeysiga sharci darada ah ilaa laga helo ciidan awood weyn leh oo heysta Maraakiib si ay kaga hortagaan Maraakiibta kale ee sameynaya kalluumeysiga sharci darada ah.

C/raxmaan Jaamac Kulmiye ayaa sidoo kale waxa u sheegay in kalluumeysiga sharci darada ah in uu san ka jirin xeebaha Soomaaliya oo kaliya laakiin sidoo kale lagu haayo qaar kale oo ka mid ah dalalka caalamka.