Maamulka Puntland ayaa sheegay iney qabteen dhalinyaro badan oo Alshabaab ka tirsanaa kadib howlgalo la sameeyaan magaalooyin ku yaala deegaanada maamulka Puntland.
Magaalooyinka ugu badan ee howlgalka laga sameeyay ayaa kala ah Gaalkacyo, Garowe iyo Boosaaso waxaana wasaarada amniga Puntland ay sheegtay iney qabteen dhalinyaro badan oo Alshabaab ka tirsan.
Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xersi Qarjab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 57 dhalinyaro ah oo la qabtay looga shakisan yahay iney Alshabaab u qorsheeyeen dilalka qorsheysan, qaraxyo iyo falal kale oo amniga ka hor imaanaya.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in dadkale oo Alshabaab ka tirsan iney ku raadjoogaan.


