Magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa waxaa wali ka soconaya shirarka looga hadlayo qaabka doorashada sanadkaan kaga dhaceyso dalka Soomaaliya, kadib markii Puntland ay diiday nidaamka 4.5.
Shirarka u dhaxeeya wafdiga ra’iisul wasaaraha iyo maamulka Puntland ayaa qaatay maalmo badan, waxaana dhow jeer kulamo gaar ah yeeshay gudiyo kala matalaya dowlada Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Wararka qaar oo Idaacadda Risaala ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu soo bandhigay sharuudo uu ku aqbalayo nidaamka 4.5 in lagu soo doorto baarlamaanka imaanaya dhamaadka sanadkaan ee aqalka hoose.
Wararka ayaa sheegaya in Puntland ay dalbatay in xarunta baarlamaanka laga wareejiyo Muqdisho loona wareejiyo magaalooyinka maamulka goboleedyada sida Kismaayo ama Garowe.
Ma jiro xogo kale oo dheeri ah oo laga helayo shirarka magaalada Garowe, waxaana masuuliyiinta shiraya ay warbaahinta inta badan aysan la wadaagin waxyaabaha shirka kasoo baxa.


