DHAGEYSO: Puntland oo Raashiin ka qeybisay Buuhoodle

Buuhoodle-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa Kun Qoys oo ku dhaqan Magaalada Buuhoodle waxa uu u qeybiyay Raashiin, kuwaasi oo ay saameeyeen Abaaraha.

Waxa uu sheegay in ay u mahadcelinayaan Hay’adihii keenay Raashiinkan, kuwaasi oo gartay in ay u gurmadaan shacabka ku dhibaateysan Degaanada Puntland, kuwaasi oo xoolahooda ay ka leysay Abaarta.

Sidoo kale Madaxweyne Camey ayaa booqday Tuulada Dan-dan oo hoostagta Degmada Buuhoodle, halkaasi oo ay ku sugan yihiin shacab ay Abaaruhu saameeyeen, wuxuuna sheegay in ay la qeybsanayaan dherag iyo gaajo.

C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa maalmahan waxa uu booqasho ku joogay Magaalada Buuhoodle.