Soomaali lagu xiray K/Afrika

Johanesburg-RisaalaFM- Booliska Magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa Magaaladaasi waxa ay ku xireen ilaa 4 Dhalinyaro ah, oo Saddex ka mid ah ay yihiin Soomaali.

Warbaahinta dalka Koonfure Afrika ayaa qoray in Booliska Habeen hore ay Magaalada Johanesburg ka soo qabteen Saddex Soomaali ah iyo nin kale oo u dhashay dalka Malawi, waxaana lagu eedeeyay in ay ka mid yihiin Ragga dhaca geysta.

Kolonel Lungelo Dlamini Afhayeenka Boliska Degmadda Gauteng, ayaa sheegay qabashada Raggn in ay timid kadib Howlgallo laga sameeyay Degmooyinka Diepsloot iyo Cosmo, hadana ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, cadaaladana la horkeeni doono.

Waxa uu sheegay in Afhayeenka in Raggan ay heystaan Hub aysan fasax u heysan, waxaana Dhismayaashii ay deganaayeen laga helay Hanti ay leeyihiin Muwaadiniin, kuwaasi oo ay soo dhaceen.

“Waxaan gacanta ku dhignay Afar dhalinyaro ah oo Saddex ay yihiin Soomaali, waxa ay dhac u geysan jireen dadka shacabka ah, Hub ayaan sidoo kale ku soo qabanay, Maxkamad ayaa la soo taagayaa, si cadaalada loo marsiiyo.” Ayuu yiri Kolonel Lungelo.

Inta badan Magaalooyinka dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dhac loogu geystaa Soomaalida halkaasi ku Ganacsata, waxaana dhaca geysta burcad madow ah oo Koonfur Afrikan ah.