Baydhabo-RisaalaFM- Mudo ku siman Todobo maalin Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ka Da’ayay Roobab mahiigaan ah, kuwaasi oo ay ku diirsadeen shacabka.
Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa Beeraleyda waxa ay ugu baaqeen in ay kordhiyaan wax soo saarka Beeraha, kana faa’ideystaan Roobabka.
Waxa ay sheegeen Alle in ay ka baryayaan in uu ka dulqaado Abaarta daran, ee saameysay dadka iyo Duunyada.



