DHAGEYSO: Puntland oo qabatay maandooriyaal

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafado ka mid ah Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka puntland waxa ay kusoo qabteen dad ka ganacsan jiray Waxyaabaha Maanka dooriya.

Muxyaddiin Axmed Muuse oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland ee Garowe ayaa Saxaafadda u sheegay in ay soo qabteen dadkii Maandooriyaha keeni jiray Garoowe iyo sidoo kale qaar ka mid ah waxyaabihii Maandooriyaha ahaa.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland laga doonaayo in ay xoojiyaan howlgallada ay kula dagaalamayaan kooxaha Maandooriyaha ka ganacsadda.

Waxaa uu Maxkamaddaha Puntland ugu baaqay in ay xukun adag ku ridaan dadka ay soo qabtaan Ciidamada Ammaanka.

Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgallo ay kula dagaalamayaan dadka ka ganacsada Maandooriyaasha.