DHAGEYSO: Puntland oo la xisaabtami doonta saraakiisha hey’adaha amaanka

Wasiirka amniga ee maamulka Puntland Cabdi Cali Qarjab oo kulamo amniga looga hadlayo la qaatay saraakiisha kala duwan ee hay’adaha amniga deegaanada Puntland.

Waxaana uu faah faahin ka bixiyay ka bixiyay sida ay tahay in saraakiisha amniga ay u gutaan howsha ku aadan xaqiijinta amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in saraakiisha laamaha amniga qeybtooda lagula xisaabtami doono amniga guud ee deegaanada Puntland.

Waxaana uu tilmaamay in la xisaabtanka hey’adaha amniga dhexdood ay adkeyn karto amniga iyo deganaansho.

Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo khasaare geystay, waxaana qaraxaasi mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.