DHAGEYSO: Puntland oo ka hadashay maxaabiis lagu qabtay dagaalka

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay maxaabiis lagu qabtay dagaaladii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay deegaano ka tirsan gobolka Nugaal, kuwaasi oo u daxeeyay ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Puntland.

Maxamuud Xasan Soocade, wasiirka warfaafinta Puntland oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in dadka ay qabteen ay ahaayeen kuwo ka qeyb qaadanayay dagaalada ka dhacay deegaanada Togga Suuj.

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dadweynaha ay soo bandhigi doonaan maxaabiista ay ku qabteen deegaanka Suuj ee gobolka Nugaal.

Sidoo kale wasiirka wuxuu sheegay in lasoo gabo-gabeeyay dagaaladii ka dhacayay Togga Suuj oo ciidamada maamulkooda ay gudaha u galeen meel ka mid ah goobihii lagu dagaalamayay.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in ciidamada lasoo qabtay ay ahaayeen kuwo isdhiibay markii weeraro badan ay kala kulmeen ciidamada Puntland, sida uu hadalka u dhigay