Ethiopia oo dalbatay Dhaqaale ay wax ugu qabato Qaxooti Soomaali ku jiraan

Dowlada Ethiopia ayaa  ka dalbaday caalamka dhaqaalo badan oo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira deegaano badan oo ku yaala dalka Ethiopia, kuwaasi oo xaladooda laga deyrinayo.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Haillemariam Desalegn ayaa sheegay in wadankiisa uu u baahan yahay taageero caalami ah, sababtoo ah buu yiri qaxooti badan oo ka tagay dalal Soomaaliya ay kamid tahay ayaa kusugan dhulka Ethiopia.

Marka loo eego hayadaha gargaarka isku dhacyada ka jira dalka koofurta Sudan oo sababay iney dad badan ka cararaan iyo xaalada sii xumaanaya iyo cunto yaraanta ay horseeday iney dad badan abaaro ku qabtaan dalka Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa martigelisay 730,000 oo qaxooti ah kuwaasi oo badankood ka tagay koofurta Sudan, Somalia, Eritrea iyo Waqooyiga Sudan.

Ethiopia waxay sheegtay in xaalada abaaraha ee ugu daran ay heystaan dadka kasoo jeeda dalka koofurta Sudan iyo dad badan oo Ethiopian ah, waxayna ka dalbatay hayahada caalamka ee arimaha qaxootiga iney wax u qabtaan dadkaasi.

Hayada UNCHR ayaa dhankeeda sheegtay in hayadaha horey ay u dalbadeen 280 milyan oo lacagta Mareykanka si dadkaasi wax loogu qabto balse 8% ay hadda soo gaareen gacanta hayadaha.

Sida hayadaha ay shegeen 10 Milyan oo Ethiopian ah ayaa u baahan gargaar deg deg ah, kuwaasi oo abaaraha ay saameeyeen.