DHAGEYSO: Sagaal ruux & Waxyaabaha qarxa oo la qabtay

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay iney qabteen sagaal ruux iyo waxyaabaha qarxa, xili ay ku sugnaayeen deegaan ku yaala duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidamada ciidanka dowlada ayaa sheegay in ragga la qabtay ay kusugnaayeen deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool ayna doonayeen iney dad ku waxyeeleeyaan waxyaabaha qarxa.

Cabdulaahi Cali Weydow oo ah gudoomiyaha deegaanka Garasweyne ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in ragga lasoo qabtay la dhigay xabsi ayna ku socdaan baaritaano amaan.

Sagaalka ruux ee lasoo qabtay iyo waxyaabaha qarxa ayuu sheegay gudoomiyaha iney halis ku noqon lahaayeen dadka deegaanka iyo deegaanada ku dhow dhow.

Cabdulaahi Weydow, ayaa sheegay in baaritaano kadib hayada cadaalada loo wareejin doono dadkaasi, sida uu hadalka u dhigay.