DHAGEYSO: Puntland oo dib uhabeyn ku sameyneysa Garsoorka deegaanadeeda

Boosaaso-RisaalaFM- Wasiirka cadaaladda maamulka Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in dhowaan ay isbedel ku sameyn doonaan Garsoorayaasha Maxkamadaha maamulka Puntland.

Wuxuuna ku macneeyay isbedelkan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Garsoorka Maxkamadaha maamulka Puntland.

Saalax Xabiib Jaamac ayaa xusay in qorshahan uu yahay mid soo socday islamarkaana qorshe wasaaraddu ay udejisay sidii loo hormarin lahaa Maxkamadaha deegaanada Puntland.

Isbedelka lagu sameynayo cadaaladda waxaa qeyb ka ah ilaalinta dadka ku jira xabsiyada waxayna dowladda Jarmalka dhowaan ay dhowaan Puntland ubalan qaaday in ay dhiseyso meel lagu xanaaneeyo caruurta ku jirta xabsiyada.

Hadalka Wasiirka cadaaladda maamulka Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa ku soo aadaya xilli xabsiyada deegaanada Puntland ay ku xiran yihiin Maxaabiis fara badan oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Shabaab, kuwaas oo aan helin xuquuqdii ay lahaayeen.