DHAGEYSO: NISA oo ka hortageysa manhaj waxbarasho oo Shabaab ay faafinayaan

Taliyaha Ciidamada Nabad Suggida gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdiqaadir Cabdulle Xaayoow oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in waddaan qorshayaal kala duwan oo looga hortagaayo Manhaj waxbarasho oo Al-Shabaab ay doonayaan in ay ku faafiyaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay faragalin ay ku hayaan bahda Waxbashada .

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay hanjabaad kulul Al-Shabaab ay u jeediyeen maamulada Iskuulada Shabeelaha Dhexe , islamarkaana ay ku cadaadinayaan in ay hirgaliyaan Manhajkooda.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Nabad Suggid ay xoogga saari doonaan sidii looga hortagi lahaa Amarada Al-Shabaab.

Shalay ayay aheyd Markii Ciidamada Nabad Suggida magaalada Jowhar ay xabsiga dhigeen maamulada Iskuuladda Jowhar ka dib markii lagu eedeeyay in ay kulan la qaatay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.