DHAGEYSO: Shan ruux oo lagu dilay Mudug

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Mudug Axmed Shire Qoodaar oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in Shan ruux oo xoolo dhaqato ah  lagu dilay Miyiga gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay in dadka la dilay ay kasoo jeedeen maamulka Galmudug , islamarkaana ay dileen Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in taasi ay u muuqato in ay jabinaysa Heshiiskii ay wadda gaareen maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Gaalkacyo Saxansaxo oo joogay goobtii uu Saxaafadda kula hadlay Gudoomiye ku xigeenka ayaa nooga waramay.