Cadaado-RisaalaFM- Magaalada Cadaado maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Galmudug.
Doorashadan oo saakay ka bilaabatay Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu doortay ilaa Saddex kursi, waxaana Doorashada ay aheyd mid xiiso badan.
Kursigii koowaad ayaa waxaa ku soo baxay C/Xakiim Macalin Axmed oo helay 40 cod, halka Shukri Cabdi Faarax oo la tartameysay ay heshay 5 cod.
Goobta Doorashada ayaa waxaa ka maqnaa Maxamed Caabi Xasan, Xaliimo C/raxmaan Faarax, Axmed Mire Faarax (Faafaale)
iyo Sacdiyo Maxamed Cilmi
Sidoo kale kursiga Labaad ayaa waxaa ku soo baxay Cali Axmed Shariif oo loo yaqaano (Cali Yare), kaas oo helay codad gaaraya 49 cod, waxaana uu ka guuleystay C/risaaq Maxamed Axmed oo tanaasulay.
kursigii Saddexaad ayaa waxaa ku soo baxday Nadiifo Faarax Jaamac, kadib markii ay ka guuleysatay Musharaxii ay la tartameysay.
Nadiifo ayaa la tartamaysay Xabiibo Maxamed Guuleed, waxaana Nadiifo ay heshay codad gaaraya 44 cod, halka Xabiibo ay ku dhawaaqday inay tartanka ka tanaasushay.
Goobta Doorashada waxaa ka maqnaa Faadumo Cali Jaamac, Deeqo Cismaan Jaamac, iyo Muna Cabdi Jaamac.
Ugu dambeyntii Guddiyada Doorashooyinka heer Maamul Goboleed gaar ahaan Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada Doorashadii maanta ka dhacday Cadaado.


