Buur-hakaba-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.
Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aasao ayaa waxa uu ka dhacay meel suuq ah oo ay ku ganacsadaan dad shacab ah, sida ay sheegeen Dadka Degaanka.
Qaraxan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaaray dad shacab ah.
Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ragii ka dambeeyay Qaraxan.
Faah faahin goor dhow kala soco Risaala.net


