Dhageyso:-Muxuu Maamulka Gobolka Sh/Hoose ka yiri weerarkii Baladul-amiin?

Ciidamo isugu jira Soomaali iyo mareykan ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar cir iyo dhul ahaa ka fuliyeen deegaanka Baladul-amiin ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan sida ay saraakiisha hoggaamineysa sheegeen ayaa lala bartilmaameed saday saldhigyo ay deegaankaas ku lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaas oo ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta Danab iyo Ciidamo Mareykan ah,isla markaana sidii loogu talo galay uu u dhacay.

Waxa uu sheegay in lagu dilay tobaneeyo ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo sida uu sheegay qorsheynayay weeraro ay ka geystay gobolada dalka Soomaaliya.

Weerarkas xalay Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah ay ka fuliyeen deegaanka Baladul-amiin oo hoostagta degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay iska difaaceen,isla markaana ciidamadii weerarka kusoo qaaday ay qaraxyo la beegsadeen.